|
| 1 |
|
| Ruuxaygii waa tabardarnaaday, cimrigaygiina waa dhammaaday, Oo qabrigu waa ii diyaar. |
|
| 2 |
|
| Sida xaqiiqada ah waxaa ila jooga majaajilowyo, Oo ishayduna waxay fiiro u leedahay ka cadhaysiintooda. |
|
| 3 |
|
| Haddaba rahaamad i sii, oo dammiin ii noqo; Bal yaa jooga oo gacanta dhaar iigu dhiibaya? |
|
| 4 |
|
| Waayo, qalbigooda waxgarashadii waad ka qarisay, Oo sidaas daraaddeed iyaga ma aad sarraysiin doontid. |
|
| 5 |
|
| Kii saaxiibbadiis u yeedha inay maal ka qaybgeliyaan, Carruurtiisu way indha beeli doonaan. |
|
| 6 |
|
| Oo weliba isagu wuxuu iga dhigay wax ay dadku ku halqabsadaan, Oo waxaan noqday mid ay dadku candhuuf ku tufaan. |
|
| 7 |
|
| Indhahaygii murug bay la arag daranyihiin, Oo xubnahaygii oo dhammuna waxay noqdeen sidii hoos oo kale. |
|
| 8 |
|
| Dadkii toolmoonu waxan way la yaabayaan, Oo kan aan xaqa qabinuna wuxuu ku kacayaa cibaadalaawaha. |
|
| 9 |
|
| Laakiinse kii xaq ahu jidkiisa wuu ku sii adkaysan doonaa, Oo kii gacmo nadiifsan lahuna aad iyo aad buu u sii xoogaysan doonaa. |
|
| 10 |
|
| Laakiinse idinku dhammaantiin bal soo noqda oo ii kaalaya, Oo anna nin xigmad leh idinkama heli doono. |
|
| 11 |
|
| Cimrigaygii waa dhammaaday, Oo qastigaygii iyo fikirradii qalbigayguba waa baabbe'een. |
|
| 12 |
|
| Habeenka waxay u beddelaan maalin, Oo waxay yidhaahdaan, Iftiinku waa u dhow yahay gudcurka. |
|
| 13 |
|
| Haddaan She'ool u rajeeyo sida gurigaygii oo kale, Ama haddaan gogoshayda gudcurka ku dhex fidsado, |
|
| 14 |
|
| Oo haddaan qudhunka ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay aabbahay, Oo aan dirxigana ku idhaahdo, Adigu waxaad tahay hooyaday iyo walaashay, |
|
| 15 |
|
| Bal markaas meeday rajadaydu? Oo bal yaase rajadayda arki doona?Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno. |
|
| 16 |
|
| Waxay hoos ugu dhaadhici doontaa qataarrada She'ool, Markaannu ciidda wada galno. |
|
|
|
|