Kitaabka Quduuska 2008
|
| 1 |
| Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, |
| 2 |
| Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay! |
| 3 |
| Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan! |
| 4 |
| Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay? |
| 5 |
| Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan. |
| 6 |
| She'ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh. |
| 7 |
| Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn. |
| 8 |
| Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo. |
| 9 |
| Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa. |
| 10 |
| Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka. |
| 11 |
| Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa. |
| 12 |
| Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa. |
| 13 |
| Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa.Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara? |
| 14 |
| Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara? |
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/job/026.mp3
42
26