|
| 1 |
|
| Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, |
|
| 2 |
|
| Ilaa goormaad waxyaalahan ku hadlaysaa? Oo ilaa goormaa erayada afkaagu ahaanayaan sida dabayl xoog badan? |
|
| 3 |
|
| War ma Ilaah baa garsooridda qalloociya? Mase Ilaaha Qaadirka ah baa caddaaladda qalloociya? |
|
| 4 |
|
| Haddii carruurtaadii ay isaga ku dembaabeen, Wuxuu iyagii u gacangeliyey xadgudubkoodii. |
|
| 5 |
|
| Haddaad aad u barido Ilaaha, Oo aad baryootankaaga hor dhigto Qaadirka, |
|
| 6 |
|
| Haddaad daahir ahaan lahayd oo aad qummanaan lahayd, Sida xaqiiqada ah haatan wuu kuu toosi lahaa, Oo hoyga xaqnimadaadana wuu barwaaqayn lahaa. |
|
| 7 |
|
| Oo in kastoo bilowgaagii yaraa, Haddana ugudambaystaadu aad bay u weynaan lahayd. |
|
| 8 |
|
| Waan ku baryayaaye bal qarniyadii hore wax weyddii, Oo bal soo garwaaqso waxyaalihii ay awowayaashood fatasheen, |
|
| 9 |
|
| (Waayo, innagu waxaynu nahay qoonkii shalayto oo qudha, oo waxba garan mayno, Maxaa yeelay, cimrigeenna aan dhulka joognaa waa sida hoos oo kale.) |
|
| 10 |
|
| War sow iyagu wax kuma bari doonaan, oo wax kuuma sheegi doonaan, Oo sow qalbigooda kaalama hadli doonaan? |
|
| 11 |
|
| War miyaa cawdu ka bixi kartaa meel aan dhoobo lahayn? Cawsduurkuse miyuu bixi karaa biyola'aantood? |
|
| 12 |
|
| Intuu weli cagaarka yahay oo aan la gooyn, Wuu ka hor engegaa dhalatada kale oo dhan. |
|
| 13 |
|
| Kuwa Ilaah illooba oo dhan wadiiqooyinkoodu waa sidaas oo kale, Oo ninkii cibaadalaawe ah rajadiisuna way baabba'daa. |
|
| 14 |
|
| Oo kaas kalsoonaantiisu way kala jajabtaa, Oo aaminaaddiisuna waa sida xuubcaaro oo kale. |
|
| 15 |
|
| Wuxuu ku tiirsan doonaa gurigiisa, laakiinse gurigiisu ma taagnaan doono. Aad buu u xajin doonaa, laakiinse siima uu adkaan doono innaba. |
|
| 16 |
|
| Isagu waa ku cagaar qorraxda, Oo laamihiisa curdanka ahuna waxay ka soo kor baxaan beertiisa. |
|
| 17 |
|
| Oo xididdadiisuna waxay isku duuduubaan taallo dhagaxyo ah, Oo wuxuu fiiriyaa meesha dhagaxyada. |
|
| 18 |
|
| Isaga haddii meeshiisa laga baabbi'iyo, Markaasay inkiri doontaa isaga, oo waxay odhan doontaa, Anigu kumaba arag. |
|
| 19 |
|
| Farxadda jidkiisu waa sidaas, Oo waxaa dhulka ka soo bixi doona kuwa kaleto. |
|
| 20 |
|
| Ilaah marnaba xoori maayo nin qumman, Kuwa sharka falase tiirin maayo. |
|
| 21 |
|
| Wuxuu afkaaga ka buuxin doonaa qosol, Bushimahaagana qaylo farxad leh, |
|
| 22 |
|
| Kuwa ku neceb waxay xidhan doonaan ceeb, Teendhada sharrowyaduna mar dambe siima jiri doonto. |
|
|
|
|