|
| 1 |
|
| Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, |
|
| 2 |
|
| Sida runta ah waan ogahay inay sidaas tahay, Laakiinse sidee baa nin xaq ugu noqon karaa Ilaah hortiisa? |
|
| 3 |
|
| Oo hadduu doonayo inuu la doodo isaga, Kunkii erayba mid qudha ugama jawaabi karo. |
|
| 4 |
|
| Qalbigiisu waa xigmad miidhan, oo xooggiisuna waa badan yahay; Bal yaa intuu isaga ka qalafsanaaday barwaaqoobay? |
|
| 5 |
|
| Isagu wuxuu rujiyaa buuraha, oo iyana ma ay yaqaaniin, Markuu cadhadiisa ku afgembiyo. |
|
| 6 |
|
| Dhulka wuu ka ruxruxaa meeshiisa, Oo tiirarkiisuna way wada gariiraan. |
|
| 7 |
|
| Wuxuu amraa qorraxda, oo iyana sooma ay baxdo, Xiddigahana wuu xidhaa. |
|
| 8 |
|
| Isagoo keliya ayaa samooyinka kala bixiya, Oo wuxuu ku dul socdaa hirarka badda. |
|
| 9 |
|
| Oo wuxuu sameeyey ururrada xiddigaha oo la yidhaahdo Orsada iyo Oriyon iyo Toddobaadyada, Iyo xiddigaha koonfureed. |
|
| 10 |
|
| Wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aan la baadhi karin, Oo ah waxyaalo yaab badan oo aan la tirin karin. |
|
| 11 |
|
| Wuu i ag maraa, aniguse uma jeedo isaga, Oo wuu iga gudbaa, aniguse waxba kama ogi. |
|
| 12 |
|
| Bal wax buu qabsadaa ee, yaa ka hor joogsan kara? Oo bal yaa ku odhan doona, War maxaad samaynaysaa? |
|
| 13 |
|
| Ilaah cadhadiisa ka soo celin maayo; Oo kalmeeyayaasha kibirka lahuna isagay hoos foororaan. |
|
| 14 |
|
| Haddaba bal anigu sidee baan ugu jawaabi karaa, Oo aan erayadayda kala doortaa si aan isaga kula hadlo? |
|
| 15 |
|
| In kastoo aan xaq ahaan lahaa, weliba uma aanan jawaabeen isaga, Illowse waxaan iska baryi lahaa Kan i xukumaya. |
|
| 16 |
|
| Haddaan baryi lahaa oo uu ii jawaabi lahaa, Ma aanan rumaysteen xataa inuu codkayga maqlay. |
|
| 17 |
|
| Waayo, isagu wuxuu igu jejebiyaa duufaan, Oo nabrahaygana sababla'aan buu u sii kordhiyaa. |
|
| 18 |
|
| Isagu iima oggola inaan neefsado, Laakiinse qadhaadh buu iga buuxiyaa. |
|
| 19 |
|
| Bal haddaan xagga xoogga ka hadalno isagu waa itaal miidhan, Balse xagga xukunka yaa wakhti ii sheegaya? |
|
| 20 |
|
| In kastoo aan xaq ahay, afkayga ayaa i xukumi doona, In kastoo aan qummanahay, waxaa igu caddaan doonta qalloocnaan. |
|
| 21 |
|
| Anigu waan qummanahay, oo nafsaddayda kama fikiro, Noloshaydana waan quudhsadaa. |
|
| 22 |
|
| Kulli waa isku mid, oo sidaas daraaddeed waxaan idhaahdaa, Isagu wuu wada baabbi'iyaa kan qumman iyo kan sharka ahba. |
|
| 23 |
|
| Haddii belaayadu haddiiba wax disho, Wuu ku majaajiloon doonaa jirrabaadda kuwa aan xaqa qabin. |
|
| 24 |
|
| Dhulka waxaa gacanta loo geliyey kan sharka ah; Oo isna wuxuu indhasaabaa xaakinnadii dhulka. Bal hadduusan isaga ahayn, haddaba waa ayo? |
|
| 25 |
|
| Haddaba cimrigaygu waa ka sii dheereeyaa nin orda, Wuu iga cararaa, oo wanaagna ma arko. |
|
| 26 |
|
| Wuxuu ii dhaafay sida doonniyaha dheereeya, Iyo sida gorgor raq ku soo deganaya. |
|
| 27 |
|
| Haddaan odhan lahaa, Cabatinkayga waan illoobi doonaa, Oo tiiraanyada jaaha iga saaran waan iska tuuri doonaa, oo waan faraxsanaan doonaa, |
|
| 28 |
|
| Waxaan ka baqayaa caloolxumadayda oo dhan, Waayo, waan ogahay inaadan ii haysanayn sidii mid aan xaq qabin. |
|
| 29 |
|
| Kolleyba waa lay xukumayaaye, Bal maxaan waxtarla'aan u hawshoodaa? |
|
| 30 |
|
| Haddaan biyo baraf ah ku maydho, Oo aan gacmahayga aad iyo aad u nadiifiyo, |
|
| 31 |
|
| Adigu waxaad igu dhex tuuri doontaa bohol, Oo xataa dharkaygu waa i nici doonaa. |
|
| 32 |
|
| Waayo, isagu nin ma aha, sidaydoo kale, si aan isaga ugu jawaabo, Oo aannu labadayaduba xukun u wada galno. |
|
| 33 |
|
| Ma jiro nin noo dhexeeya, Oo labadayadaba gacantiisa na saari kara. |
|
| 34 |
|
| Isagu ushiisa ha iga fogeeyo, Oo cabsidiisuna yaanay i bajin. |
|
| 35 |
|
| Markaas waan hadli lahaa, oo isaga kama aanan baqeen; Waayo, anigu sidaas ma ahi. |
|
|
|
|