|
| 1 |
|
| Rabbiga waan jeclahay, maxaa yeelay, wuxuu maqlay Codkaygii iyo baryootankaygii. |
|
| 2 |
|
| Dhegtuu ii dhigay, Sidaas daraaddeed isagaan baryi doonaa intaan noolahay oo dhan. |
|
| 3 |
|
| Xadhkihii dhimashada ayaa i hareereeyey, Xanuunkii She'oolna waa i qabsaday. Oo waxaan la kulmay dhib iyo murug. |
|
| 4 |
|
| Markaasaan ku baryootamay magaca Rabbiga, Anigoo leh, Rabbiyow, naftayda samatabbixi. |
|
| 5 |
|
| Rabbigu waa nimco miidhan, waana xaq, Haah, oo Ilaaheennu waa naxariis badan yahay. |
|
| 6 |
|
| Rabbigu kuwa garaadka daran wuu dhawraa, Hoos baa la ii soo dejiyey, kolkaasuu i badbaadshay. |
|
| 7 |
|
| Naftaydoy, nasashadaadii ku noqo, Waayo, Rabbigu wax badan oo wanaagsan buu kuu sameeyey. |
|
| 8 |
|
| Waayo, naftayda waxaad ka samatabbixisay dhimasho, Indhahaygana ilmo, Cagahaygana kufid. |
|
| 9 |
|
| Waxaan ku socon doonaa Rabbiga hortiisa Anigoo dhex jooga dalka kuwa nool. |
|
| 10 |
|
| Waan rumaysnaa, oo markaan hadlay Aad baa la ii dhibay, |
|
| 11 |
|
| Anigoo degdegsan baan waxaan idhi, Dadka oo dhammu waa beenaalayaal. |
|
| 12 |
|
| Bal maxaan Rabbiga uga celiyaa Waxyaalihii uu ii taray oo dhan? |
|
| 13 |
|
| Waxaan qaadan doonaa koobka badbaadada, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa. |
|
| 14 |
|
| Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda. |
|
| 15 |
|
| Rabbiga hortiisa dhimashada quduusiintiisa Ayaa qiimo weyn ku leh. |
|
| 16 |
|
| Rabbiyow, sida runta ah waxaan ahay addoonkaaga, Waxaan ahay addoonkaaga, oo ah wiilka addoontaada, Silsiladahaygii waad iga furtay. |
|
| 17 |
|
| Waxaan kuu soo bixin doonaa allabarigii mahadnaqidda, Oo magaca Rabbiga ayaan ku baryootami doonaa. |
|
| 18 |
|
| Rabbiga ayaan u oofin doonaa nidarradaydii, Oo weliba waxaan ku bixin doonaa dadkiisa oo dhan hortooda,Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana. |
|
| 19 |
|
| Iyo guriga Rabbiga barxadihiisa, Iyo dhexdaada, Yeruusaalemay. Rabbiga ammaana. |
|
|
|
|