×

Kitaabka Quduuska 2008

Sab 121

1
Buurahaan indhahayga ku taagi doonaa, Caawimaaddaydu xaggee bay ka iman doontaa?
2
Caawimaaddaydu waxay ka timaadaa Rabbiga sameeyey samada iyo dhulka.
3
Isagu uma oggolaan doono in cagtaada la dhaqaajiyo, Kan ku dhawraa ma gam'i doono.
4
Bal eeg, kan reer binu Israa'iil dhawraa Ma gam'i doono, mana seexan doono.
5
Kan ku dhawraa waa Rabbiga, Rabbigu waa hooskaaga midigtaada taagan.
6
Qorraxdu maalinta waxba kuma yeeli doonto. Habeenkana dayaxu waxba kuma yeeli doono.
7
Rabbiga ayaa kaa dhawri doona shar kasta, Isagu wuxuu dhawri doonaa naftaada.Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
8
Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbigu wuxuu dhawri doonaa bixiddaada iyo soo geliddaadaba.
Somali Bible 2008
Kitaabka Quduuska Ah Society for International Ministries, 2008
:
Keydso Qoraalada