Kitaabka Quduuska 2008
|
| 1 |
| Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee. |
| 2 |
| Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda, |
| 3 |
| Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan, |
| 4 |
| Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahad naqaan. |
| 5 |
| Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud. |
| 6 |
| Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan. |
| 7 |
| Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer. |
| 8 |
| Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa. |
| 9 |
| Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa. |
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/psalms/122.mp3
150
122