Kitaabka Quduuska 2008
|
| 1 |
| Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Reer binu Israa'iil hadda ha yidhaahdeen, |
| 2 |
| Tan iyo yaraantaydii marar badan bay i dhibeen, Laakiinse igama ay adkaan. |
| 3 |
| Kuwa beerta jeexa ayaa dhabarkayga jeexay, Oo jeexjeexoodiina way dheereeyeen. |
| 4 |
| Rabbigu waa xaq, Oo isagu wuxuu kala gooyay xadhkihii kuwa sharka leh. |
| 5 |
| Inta Siyoon neceb oo dhammu, Ha ceeboobeen oo dib ha u noqdeen. |
| 6 |
| Ha noqdeen sida cawska guryaha korkooda ka baxa Oo engega intaanu korin, |
| 7 |
| Oo aan beergooyuhu gacantiisa ka buuxin, Kan xidhmooyinka xidhaana aanu laabtiisa ka buuxin.Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga. |
| 8 |
| Oo kuwa ag maraana ma yidhaahdaan, Barakadii Rabbigu korkiinna ha ahaato. Waxaan idiinku ducaynaynaa magaca Rabbiga. |
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/psalms/129.mp3
150
129