|
| 1 |
|
| Rabbiga ku mahad naqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 2 |
|
| Ku mahad naqa Ilaaha ilaahyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 3 |
|
| Ku mahad naqa Sayidka sayidyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 4 |
|
| Kan keligiis sameeya yaabab waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 5 |
|
| Kan samada waxgarashada ku sameeyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 6 |
|
| Kan dhulka biyaha korkooda ku goglay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 7 |
|
| Kan sameeyey iftiimmo waaweyn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 8 |
|
| Qorraxdu inay maalinta xukunto, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 9 |
|
| Dayaxa iyo xiddiguhuna inay habeenka xukumaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 10 |
|
| Kan Masar curadyadii ka laayay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 11 |
|
| Oo reer binu Israa'iilna ka soo dhex saaray, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 12 |
|
| Kan kaga soo bixiyey gacan xoog badan iyo cudud fidsan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 13 |
|
| Kan Badda Cas kala qaybiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 14 |
|
| Oo reer binu Israa'iilna dhex marshay iyada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 15 |
|
| Laakiinse Fircoon iyo ciidankiisiiba wuu ku afgembiyey Badda Cas dhexdeeda, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 16 |
|
| Kan dadkiisa cidlada dhex hoggaamiyey, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 17 |
|
| Kan boqorro waaweyn wax ku dhuftay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 18 |
|
| Oo laayay boqorro caan ah, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 19 |
|
| Kuwaas oo ahaa Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 20 |
|
| Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 21 |
|
| Oo dalkoodiina u bixiyey dhaxal ahaan, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 22 |
|
| Kaasoo ahaa dhaxalkii uu siiyey addoonkiisii Israa'iil, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 23 |
|
| Kan ina soo xusuustay markaan gunta ahayn, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 24 |
|
| Oo inaga soo samatabbixiyey cadaawayaasheennii, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 25 |
|
| Kan cunto siiya wax kastoo jidh leh, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
| 26 |
|
| Ku mahad naqa Ilaaha samada, Waayo, naxariistiisu weligeedba way sii waartaa. |
|
|
|
|