Kitaabka Quduuska 2008
|
| 1 |
| Rabbiga ammaana. Rabbiga samooyinka ka ammaana, Meelaha sarsarena ka ammaana. |
| 2 |
| Malaa'igihiisa oo dhammow, ammaana isaga, Ciidankiisa oo dhammow, ammaana isaga. |
| 3 |
| Qorraxda iyo dayaxow, ammaana isaga, Xiddigaha iftiinka oo dhammow, ammaana isaga. |
| 4 |
| Ammaana isaga, samooyinka samooyinkow, Iyo biyaha samooyinka ka sarreeyow. |
| 5 |
| Iyagu magaca Rabbiga ha ammaaneen, Waayo, isagu wuu amray, oo iyana way abuurmeen. |
| 6 |
| Oo weliba isagaa adkeeyey iyaga weligood iyo weligoodba, Oo wuxuu sameeyey xad aan la gudbi doonayn. |
| 7 |
| Rabbiga dhulka ka ammaana, Masbadeedyo iyo moolal oo dhammow, |
| 8 |
| Dab iyo roobdhagaxyaale, baraf cad iyo ceeryaamow, Iyo dabayl duufaan ah oo eraygiisa oofiyow, |
| 9 |
| Buuro iyo kuro oo dhammow, Dhir midho badan iyo dhir kedar la yidhaahdo oo dhammow, |
| 10 |
| Dugaag iyo xoolo oo dhammow, Waxa gurguurta iyo haadda duusha oo dhammow, |
| 11 |
| Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow, |
| 12 |
| Barbaarro iyo hablow, Odayaal iyo carruuray, |
| 13 |
| Ha ammaaneen magaca Rabbiga, Waayo, magiciisa oo keliya ayaa la sarraysiiyaa, Ammaantiisu dhulka iyo cirkaba way ka korraysaa.Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana. |
| 14 |
| Isagu wuxuu sare u qaaday geeskii dadkiisa, Iyo ammaantii quduusiintiisa oo dhan, Waana reer binu Israa'iil oo ah dad isaga u dhow. Rabbiga ammaana. |
|
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/psalms/148.mp3
150
148