Kitaabka Quduuska 2008
|
| 1 |
| Rabbiyow, waan ku sarraysiinayaa, waayo, kor baad iga yeeshay, Oo weliba igama aad dhigin in cadaawayaashaydu ii faanaan. |
| 2 |
| Rabbiyow, Ilaahayow, Waan kuu qayshaday oo adna waad i bogsiisay. |
| 3 |
| Rabbiyow, waxaad naftaydii kor uga qaadday She'ool, Oo waad i sii noolaysay si aanan yaamayska ugu dhicin. |
| 4 |
| Quduusiintiisoy, Rabbiga ammaan ugu gabya, Oo mahad ku naqa magiciisa quduuska ah. |
| 5 |
| Waayo, cadhadiisu waa daqiiqad keliya, Laakiinse raallinimadiisu waa cimriga, Habeenka waxaa jirta oohin, Laakiinse aroorta farxad baa timaada. |
| 6 |
| Aniguse intaan barwaaqaysnaa waxaan idhi, Weligay dhaqdhaqaaqi maayo. |
| 7 |
| Rabbiyow, raallinimadaada aawadeed ayaad buurtayda ka dhigtay inay si adag u taagnaato, Wejigaagaad qarisay, oo anna waan argaggaxay. |
| 8 |
| Rabbiyow, adigaan kuu soo qayshaday, Oo baryootankaygii waxaan gaadhsiiyey Rabbiga. |
| 9 |
| Bal markaan yaamayska ku dego, maxaa faa'iido ah oo dhiiggayga ku jirta? Ma ciiddaa ku ammaanaysa? Oo ma runtaaday sheegaysaa? |
| 10 |
| Rabbiyow, i maqal oo ii naxariiso, Rabbiyow, kaalmeeyahayga ahow. |
| 11 |
| Baroortaydii waxaad iigu beddeshay cayaar, Oo dharkaygii joonyadaha ahaana waad iga furtay, oo waxaad ii guntisay farxad,Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahad naqayaa. |
| 12 |
| Taasuna waa si nafsaddaydu ay ammaan kuugu gabaydo, oo aanay u aamusin. Rabbiyow, Ilaahayow, weligayba waan kugu mahad naqayaa. |
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/psalms/030.mp3
150
30