Kitaabka Quduuska 2008
|
| 1 |
| Ilaahow, adigu waad na xoortay, oo waad na dudumisay, Oo waad nagu cadhootay, haddaba bal mar na soo celi. |
| 2 |
| Dhulkii waad gariirisay, oo waad kala dildillaacisay, Haddaba dildillaaciisa bogsii, waayo, wuu ruxmadaa. |
| 3 |
| Dadkaagii waxaad tustay waxyaalo adag, Oo waxaad na cabsiisay khamri lala dhacdhaco. |
| 4 |
| Calan baad siisay kuwa kaa cabsada, In runta loo soo bandhigo aawadeed. (Selaah) |
| 5 |
| Si ay kuwaad jeceshahay u samatabbaxaan, Gacantaada midig ku badbaadi oo ii jawaab. |
| 6 |
| Ilaah wuxuu ku hadlay quduusnimadiisa oo yidhi, Anigu waan farxi doonaa, Shekem waan kala qaybin doonaa, oo waxaan qiyaasi doonaa dooxada Sukod. |
| 7 |
| Gilecaad anigaa iska leh, Manasehna anigaa iska leh, Oo weliba Efrayimna waa daafacaaddii madaxayga, Yahuudahna waa ushayda boqornimo. |
| 8 |
| Moo'aab waa weelkaygii aan ku maydhan jiray, Edomna kabahaygaan ku dul tuuri doonaa, Falastiinay, qayli aawaday. |
| 9 |
| Bal yaa i geeyn doona magaalada xoogga leh? Yaase xagga Edom ii kaxayn doona? |
| 10 |
| Ilaahow, sow nama aadan xoorin? Ilaahow, lama soo baxdid ciidammadayada. |
| 11 |
| Cadowga naga caawi, Waayo, binu-aadmiga caawimaaddiisu waxtar ma leh.Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona. |
| 12 |
| Ilaah caawimaaddiisa ayaannu wax xoog leh ku samayn doonaa, Waayo, isagaa ah kan cadaawayaashayada ku tuman doona. |
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/psalms/060.mp3
150
60