×

Kitaabka Quduuska 2008

Sab 61

1
Ilaahow, qayladayda maqal, Oo baryadaydana dhegta u dhig.
2
Markii qalbigaygu itaal darnaado, waxaan kaaga qayshan doonaa darafka dhulka ugu shisheeya, Ii hoggaami dhagaxa iga dheer.
3
Waayo, waxaad ii ahayd magangal, Iyo qalcad adag oo aan cadowga ka galo.
4
Anigu weligayba waxaan degganaan doonaa taambuuggaaga, Oo waxaan magan geli doonaa baalashaada meeshooda qarsoon. (Selaah)
5
Waayo, Ilaahow, nidarradaydii waad maqashay, Oo waxaad i siisay kuwa magacaaga ka cabsada dhaxalkooda.
6
Boqorka noloshiisa waad dheeraynaysaa, Oo cimrigiisuna wuxuu noqon doonaa sida qarniyo badan.
7
Oo weligiisba wuxuu joogi doonaa Ilaah hortiisa, Raxmad iyo run u diyaari, inay isaga dhawraan.Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
8
Markaasaan weligayba magacaaga ammaan ugu gabyi doonaa, Si aan maalin kasta nidarradayda u oofiyo.
Somali Bible 2008
Kitaabka Quduuska Ah Society for International Ministries, 2008
:
Keydso Qoraalada