Kitaabka Quduuska 2018
|
| 1 |
| Ilaahow, ammaan baa Siyoon kugu sugaysa, Oo nidarkana waa in adiga laguu oofiyo. |
| 2 |
| Kaaga baryootanka maqlow, Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan. |
| 3 |
| Waxaa iga adkaada xumaatooyin, Xadgudubkayagase waad naga nadiifin doontaa. |
| 4 |
| Waxaa barakaysan ninkii aad dooratid, oo aad ka dhigto inuu kuu soo dhowaado, Inuu degganaado barxadahaaga. Waxaan ka dhergi doonnaa wanaagga gurigaaga, Kaas oo ah meesha quduuska ah oo macbudkaaga. |
| 5 |
| Ilaaha badbaadadayadow, Waxyaalo cabsi badan ayaad xaqnimo noogu jawaabi doontaa, Waxaad tahay kalsoonida kuwa dunida darfaheeda oo dhan, Iyo kuwa badda fogba, |
| 6 |
| Kaas oo xooggiisa buuraha ku adkeeya, Isagoo dhexda xoog ku xidhay. |
| 7 |
| Wuxuu aamusiiyaa guuxa badaha, iyo guuxa hirarkooda, Iyo dadyowga buuqooda. |
| 8 |
| Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga, Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan. |
| 9 |
| Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay. |
| 10 |
| Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa. |
| 11 |
| Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag. |
| 12 |
| Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad. |
| 13 |
| Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah, Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh, Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan. |
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian2018/psalms/065.mp3
150
65