|
| 1 |
|
| Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya, |
|
| 2 |
|
| Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya. |
|
| 3 |
|
| Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan. |
|
| 4 |
|
| Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah) |
|
| 5 |
|
| Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin. |
|
| 6 |
|
| Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay. |
|
| 7 |
|
| Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah) |
|
| 8 |
|
| Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo, |
|
| 9 |
|
| Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo. |
|
| 10 |
|
| Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo. |
|
| 11 |
|
| Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn. |
|
| 12 |
|
| Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah. |
|
| 13 |
|
| Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii |
|
| 14 |
|
| Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa. |
|
| 15 |
|
| Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah) |
|
| 16 |
|
| Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye. |
|
| 17 |
|
| Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga. |
|
| 18 |
|
| Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen, |
|
| 19 |
|
| Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin. |
|
| 20 |
|
| Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin. |
|
|
|
|