Kitaabka Quduuska 2008
|
| 1 |
| Rabbiga ciidammadow, taambuugyadaadu sidee bay u yihiin wax la jeclaado! |
| 2 |
| Naftaydu waxay u xiisaysan tahay Rabbiga barxadihiisa, Qalbigayga iyo jiidhkayguba waxay u dhawaaqaan Ilaaha nool. |
| 3 |
| Haah, shimbirtu waxay nafsaddeeda u heshay guri, Dabafallaadhuna buul ay yaryarkeeda ku dhasho, Kaas oo ah meelaha allabarigaaga, Rabbiga ciidammadow, Boqorkaygiiyow, Ilaahaygiiyow. |
| 4 |
| Waxaa barakaysan kuwa gurigaaga deggan, Weligoodba way ku sii ammaani doonaan. |
| 5 |
| Waxaa barakaysan ninkii xooggiisu xaggaaga ka yimaado, Oo ay jidadka sare oo Siyoon qalbigiisa ku jiraan. |
| 6 |
| Markay dhex maraan Dooxadii Oohinta waxay ka dhigaan meel ilo badan leh, Haah, oo roobka hore ayaa barakooyin ka buuxiya. |
| 7 |
| Way xoogaystaan, oo weliba way sii xoogaystaan, Oo midkood kastaaba Ilaah buu ka hor muuqdaa Siyoon dhexdeeda. |
| 8 |
| Rabbiyow, Ilaaha ciidammadow, baryadayda maqal, Ilaaha Yacquubow, bal dhegta ii dhig, (Selaah) |
| 9 |
| Ilaahow, gaashaankayagiiyow, bal eeg, Oo bal kaaga la subkay wejigiisa fiiri. |
| 10 |
| Waayo, maalin barxadahaaga la joogo way ka sii wanaagsan tahay kun maalmood oo kale. Intaan teendhooyinka sharka joogi lahaa, Waxaan ka sii jeclaan lahaa inaan guriga Ilaah iridjooge u ahaado. |
| 11 |
| Waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waxa weeye qorrax iyo gaashaan, Rabbigu wax wanaagsan kalama hadhi doono kuwa si qumman u socda. Wuxuuna siin doonaa naxariis iyo sharaf.Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya. |
| 12 |
| Rabbiga ciidammadow, Waxaa barakaysan ninkii isku kaa halleeya. |
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/psalms/084.mp3
150
84