Kitaabka Quduuska 2018
|
| 1 |
| Waa wanaagsan tahay in Rabbiga lagu mahad naqo, Iyo in magacaaga ammaan loogu gabyo, Ilaaha ugu sarreeyow, |
| 2 |
| Iyo in raxmaddaada aroorta la muujiyo, Habeen kastana aaminnimadaada, |
| 3 |
| Iyo in loogu heeso alaabta muusikada oo tobanka xadhig leh, iyo shareeradda, Iyo dhawaaqa kataaradda. |
| 4 |
| Waayo, Rabbiyow, waxaad igaga farxisay shuqulkaagii, Oo shuqullada gacmahaagana waan ku guulaysan doonaa. |
| 5 |
| Rabbiyow, shuqulladaadu waaweynaa! Oo fikirradaaduna aad bay u mool dheer yihiin. |
| 6 |
| Doqonku taas ma yaqaan, Kii nacas ahuna ma garan karo. |
| 7 |
| Kuwa sharka lahu markii ay sida doog u soo baxaan, Iyo markii xumaanfalayaasha oo dhammu ay barwaaqoobaan, Waa in weligoodba la baabbi'iyo, |
| 8 |
| Laakiinse Rabbiyow, adigu waad sarraysaa weligaa iyo weligaaba. |
| 9 |
| Waayo, Rabbiyow, bal eeg cadaawayaashaada, Bal eeg, cadaawayaashaadu way wada baabbi'i doonaane, Oo xumaanfalayaasha oo dhammuna way kala firidhsanaan doonaan. |
| 10 |
| Laakiinse geeskayga waxaad u sarraysiisay sida geeska gisiga Oo waxaa laygu subkay saliid cusub. |
| 11 |
| Indhahayguna waxay arkeen wixii aan cadaawayaashayda la jeclaa, Oo dhegahayguna waxay maqleen wixii aan la jeclaa sharfalayaasha igu kaca. |
| 12 |
| Kii xaq ahu wuxuu u barwaaqoobi doonaa sida geed timireed, Oo wuxuu u bixi doonaa sida geed kedar la yidhaahdo oo Lubnaan. |
| 13 |
| Kuwa guriga Rabbiga lagu dhex beeray Waxay ku barwaaqoobi doonaan barxadaha Ilaahayaga. |
| 14 |
| Oo weliba midho bay dhali doonaan iyagoo gaboobay, Oo waxaa ka buuxi doona muud, wayna cagaari doonaan, |
| 15 |
| Si ay u muujiyaan in Rabbigu qumman yahay, Isagu waa dhagaxayga gabbaadka ah, oo xaqdarro kuma jirto. |
|
| Keydso Qoraalada |
https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian2018/psalms/092.mp3
150
92