|
| 1 |
|
| Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso. |
|
| 2 |
|
| Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr. |
|
| 3 |
|
| Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro. |
|
| 4 |
|
| Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy, |
|
| 5 |
|
| Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata. |
|
| 6 |
|
| Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey, |
|
| 7 |
|
| Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn, |
|
| 8 |
|
| Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda, |
|
| 9 |
|
| Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay. |
|
| 10 |
|
| Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay. |
|
| 11 |
|
| Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto. |
|
| 12 |
|
| Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa. |
|
| 13 |
|
| Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi, |
|
| 14 |
|
| Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey. |
|
| 15 |
|
| Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay. |
|
| 16 |
|
| Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey. |
|
| 17 |
|
| Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe. |
|
| 18 |
|
| Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno. |
|
| 19 |
|
| Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay, |
|
| 20 |
|
| Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado. |
|
| 21 |
|
| Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda. |
|
| 22 |
|
| Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo, |
|
| 23 |
|
| Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado. |
|
| 24 |
|
| Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta. |
|
| 25 |
|
| Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina. |
|
| 26 |
|
| Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin.Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda. |
|
| 27 |
|
| Gurigeedu waa jidkii She'ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda. |
|
|
|
|