|
| 1 |
|
| Anigu waxaan ahay ninkii arkay dhibaatadii ay ushii cadhadiisu keentay. |
|
| 2 |
|
| Wuu i hoggaamiyey oo igu dhex socodsiiyey gudcur aan iftiin lahayn. |
|
| 3 |
|
| Sida xaqiiqada ah maalintii oo dhan ayuu mar kasta gacantiisa igu sii jeediyaa. |
|
| 4 |
|
| Jiidhkaygii iyo haraggaygiiba wuu gaboojiyey, lafahaygiina wuu jejebiyey. |
|
| 5 |
|
| Wax buu igu wareejiyey, oo wuxuu igu hareereeyey qadhaadh iyo dhib. |
|
| 6 |
|
| Wuxuu iga dhigay inaan meelo gudcur ah dego sidii kuwii waagii hore dhintay. |
|
| 7 |
|
| Derbi buu igu wareejiyey si aanan u bixi karin, silsiladdaydiina mid culus buu ka dhigay. |
|
| 8 |
|
| Oo weliba markaan dhawaaqo oo aan caawimaad u qayshadona baryadayda wuu diidaa. |
|
| 9 |
|
| Jidadkaygii wuxuu ku awday dhagaxyo la qoray, oo wadiiqooyinkaygiina wuu qalloociyey. |
|
| 10 |
|
| Wuxuu igu noqday sidii orso ii gabbanaysa iyo sidii libaax meelo qarsoon iigu dhuumanaya. |
|
| 11 |
|
| Jidadkaygii wuu iga leexiyey, oo cad cad buu ii kala jaray, cidla buuna iga dhigay. |
|
| 12 |
|
| Qaansadiisii wuu xootay, oo wuxuu iga dhigay goolibaadhkii fallaadha. |
|
| 13 |
|
| Isagu wuxuu ka dhigay fallaadhihii gabooyihiisu inay kelyahayga galaan. |
|
| 14 |
|
| Waxaan dadkaygii oo dhan u noqday wax la quudhsado, oo maalintii oo dhanna gabaygooda way igu halqabsadaan. |
|
| 15 |
|
| Wuxuu iga buuxiyey qadhaadh, dacar buuna igu dhergiyey. |
|
| 16 |
|
| Ilkahaygii dhagaxyo quruurux ah ayuu ku jejebiyey, oo dambas buu igu daboolay. |
|
| 17 |
|
| Naftaydii nabad waad ka fogaysay, oo barwaaqo iyo wanaag waan illoobay. |
|
| 18 |
|
| Waxaan is-idhi, Xooggaygii iyo rajadaydiiba xagga Rabbiga way ka baabbe'een. |
|
| 19 |
|
| Xusuuso dhibkaygii iyo wareeggaygii, iyo dacartii iyo xammeetidii. |
|
| 20 |
|
| Naftaydu iyagay weli soo xusuusataa, oo ceeb bay la foororsatay. |
|
| 21 |
|
| Tan uun baan garwaaqsan ahay, sidaas daraaddeed rajaan leeyahay. |
|
| 22 |
|
| Rabbiga naxariistiisa aawadeed ayaan laynoo baabbi'in, maxaa yeelay, raxmaddiisu ma dhammaato. |
|
| 23 |
|
| Subax walba way cusub yihiin, daacadnimadaaduna way weyn tahay. |
|
| 24 |
|
| Naftaydu waxay tidhaahdaa, Rabbigu waa qaybtaydii, sidaas daraaddeed isagaan rajo ku qabi doonaa. |
|
| 25 |
|
| Rabbigu waa u roon yahay kuwa isaga rajo ku suga iyo naftii isaga doondoontaba. |
|
| 26 |
|
| Waxaa wanaagsan in badbaadinta Rabbiga rajo iyo aamusnaan lagu sugo. |
|
| 27 |
|
| Waxaa wanaagsan in nin harqoodka qaato intuu dhallinyar yahay. |
|
| 28 |
|
| Keligiis ha fadhiisto isagoo aamusan, maxaa yeelay, isagaa kor saaray. |
|
| 29 |
|
| Afkiisa ciidda ha daro, waxaa suurtowda inay rajo jirto. |
|
| 30 |
|
| Dhabankiisa ha u dhiibo mid dharbaaxa, oo cay ha ka dhergo. |
|
| 31 |
|
| Waayo, Sayidku ilaa weligiis ma uu sii tuuri doono. |
|
| 32 |
|
| Maxaa yeelay, inkastoo uu murugeeyo, haddana weli wuu ugu nixi doonaa naxariistiisa badnaanteeda aawadeed. |
|
| 33 |
|
| Waayo, isagu binu-aadmiga kas uma dhibo, umana murugeeyo. |
|
| 34 |
|
| In maxaabiista dunida oo dhan cagaha hoostooda lagu burburiyo, |
|
| 35 |
|
| Iyo in dadka xaqiisa laga leexiyo Ilaaha sare hortiisa, |
|
| 36 |
|
| Iyo in nin gartiisa laga qalloociyo, Sayidku raalli kama aha. |
|
| 37 |
|
| Waa kee kan wax odhanaya oo ay noqdaan, Sayidkoo aan amrin? |
|
| 38 |
|
| Kan ugu sarreeya afkiisa sow kama soo baxaan belaayo iyo wanaagba? |
|
| 39 |
|
| Bal maxaa nin noolu u cabtaa, maxaase nin ciqaabta dembigiisa uga cabtaa? |
|
| 40 |
|
| Jidadkeenna aynu baadhno, oo aynu tijaabinno, oo aynu mar kale Rabbiga u soo noqonno. |
|
| 41 |
|
| Qalbigeenna iyo gacmaheenna aynu kor ugu taagno Ilaaha samooyinka ku jira. |
|
| 42 |
|
| Annagu waannu xadgudubnay oo waannu caasiyownay, oo adiguna nama aad saamixin. |
|
| 43 |
|
| Cadho baad isku dabooshay, waanad na eryatay, waad na dishay, oo noomana aadan tudhin. |
|
| 44 |
|
| Daruur baad isku dabooshay si aan baryona kuugu soo gudbin. |
|
| 45 |
|
| Waxaad dadyowga dhexdooda naga dhigtay uskag iyo wax la nacay. |
|
| 46 |
|
| Cadaawayaashayadii oo dhammu afkay nagu kala qaadeen. |
|
| 47 |
|
| Waxaa noo yimid cabsi iyo yaamays, iyo halligaad iyo baabbi'in. |
|
| 48 |
|
| Indhahayga waxaa ka daata durdurro ilmo ah, waana baabbi'inta dadkayga aawadeed. |
|
| 49 |
|
| Indhahaygu had iyo goorba way qubtaan oo innaba ma joogsadaan |
|
| 50 |
|
| Ilamaa Rabbigu hoos soo fiiriyo, oo uu samada ka soo eego. |
|
| 51 |
|
| Indhahaygu way ii murugeeyaan gabdhaha magaaladayda oo dhan daraaddood. |
|
| 52 |
|
| Kuwii cadaawayaashayda sababla'aan u ahaa ayaa i ugaadhsaday sida shimbir loo ugaadhsado oo kale. |
|
| 53 |
|
| Waxay bohol iigu rideen si ay naftayda iiga qaadaan, oo dhagax bay igu soo kor tuureen. |
|
| 54 |
|
| Madaxaygii biyaa ku kor daatay, oo waxaan is-idhi, Waad go'day. |
|
| 55 |
|
| Rabbiyow, anigoo godka ugu dheer ku dhex jira ayaan magacaaga ku baryootamay. |
|
| 56 |
|
| Codkaygii waad maqashay, bal dhegtaada ha ka xidhin neefsashadayda iyo baryadayda. |
|
| 57 |
|
| Maalintii aan ku baryay ayaad ii soo dhowaatay, oo waxaad igu tidhi, Ha cabsan. |
|
| 58 |
|
| Sayidow, naftayda dacwooyinkeeda waad ii qaadday, waadna i madaxfuratay. |
|
| 59 |
|
| Rabbiyow, gardarradii laygu hayay waad aragtay ee ii garsoor. |
|
| 60 |
|
| Aarsashadoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhanba waad wada aragtay. |
|
| 61 |
|
| Rabbiyow, waad maqashay caydoodii oo dhan iyo wixii ay iigu fikireen oo dhan, |
|
| 62 |
|
| Iyo wixii kuwa igu kacay bushimahoodii lahaayeen, iyo wixii ay maalintii oo dhan ii qastiyeenba. |
|
| 63 |
|
| Bal eeg, markay fadhiyaan iyo markay taagan yihiinba waxaan ahay waxay ka gabyaan. |
|
| 64 |
|
| Rabbiyow, waxaad iyaga siin doontaa abaalgud waafaqsan shuqullada gacmahooda. |
|
| 65 |
|
| Indhala'aanta qalbiga waad siin doontaa, inkaartaadana korkooda waad ka yeeli doontaa. |
|
| 66 |
|
| Cadho baad ku eryan doontaa oo samadaada hoosteeda iyagaad ka baabbi'in doontaa. |
|
|
|
|