× Luuqad Yurub Ruush Beleruusiyaan Yukreeniyaan Polish Serbian Bulgaria Slovakia Czech Romania Moldoviyaan Asebajaan Ermeni Joorjiyaanka Albaaniyaan Avar Bashkir Tataar Jejniya Isloofiniyaan Croatian Istooniyaan Laatfiyaan Lithuanian Hangariyaan Finnishka Noorwiijiga Iswiidishka Ayslandays Giriig Macedonia Jarmal Bavarian Holland Deenish Welish Gaelic Irish Faransiis Basquu Catalan Talyaani Galacian Romani Bosnian Waqooyiga Ameerika Ingiriisi Koonfurta Ameerika Isbaanish Boortaqiis Guarani Quechuan Aymara Bartamaha Ameerika Jamaica Nahuatl Kiche Q'eqchi Haiti Bariga Aasiya Shiinaha Jabbaan Kuuriyaan Mongoliyaan Uyghur Hmong Koonfur Bari Aasiya Malaysian Burma Hakha Chin Nebali Sugbaano Tagalog Kamboodiya Taay Indonesia Fiitnaamiis Javanese Lao Iban IuMien Kachin Lahu Aceh Balinese Bugis Pampanga Sasak Shan Waray Koonfurta Aasiya Hindi Оdia Awadhi Mizo Kannadays Malayalam Maarati Gujaraati Taamilka Teluugu Bunjaabi Kurukh Asaamiis Maithili Bengali Urdu Sinhala Dogri Haryanvi Meitei Konkani Santali Sindhi Koya Thado Sanskrit Devanagari Adilabad Gondi Ahirani Balochi Bundeli Chhattisgarhi Garhwali Kangri Kumaoni Mewari Munda Sadri Seraiki Shekhawati Sylheti Bartamaha Aasiya Kyrgyz Uzbekiga Tajik Turkmen Kazakhstan Karakalpak Bariga Dhexe Turki Cibraaniga Carabi Iiraani Kurdishka Baasto Coptic Afrika Afrikaanays Xhosa Sulu Ndebele Sotho Amhar Wolaytta Nigeria Mossi Ika Dinkaha Aljeria Sabeenood Sawaaxili Marooko Soomaaliya Shona Madagascar Igbo Lingala Baoule Siswati Tsonga Tswana Gambia Yoruba Kamba Kinyarwanda Hausa Chewa Luo Makua Dyula Fulfulde Kalenjin Kikuyu Kikwango Kirundi Krio Nigerian Pidgin Oromo Tshiluba Tshivenda Twi Umbundu Lugbara Luguru Pular Gussi Maasai Turkana Moba Nuer Shilluk Tamasheq Makonde Bemba Fon Hadiyya Ibibio Kimbundu Kimiiru Lango Liberian Kreyol Lomwe Mende Morisyen Ndau Nyankole Sena Sidamo Soga Songe Sukuma Tarifit Teso Tiv Zande Dagbani Qaaradda Australia Cusub Sjælland Papua New Guinea Afafka Hore Aramaatiga Laatiin Isberento 1 1 1 Soomaaliya Soomaaliya1 1 1 Gal BilBaxLaawLambShKuYasGarRuu1Sam2Sam1Bo2Bo1Ta2TaCesNexEstAyuSabMaaWacGaSuIshYerBarEzeDaaHooYoCaaCobYooMiiNaxXabSefXagSekMal--- --- ---MatMarkLukYooFaRaRoo1Kor2KorGalEfeFilKol1Tes2Tes1Tim2TimTiiFilCibYac1But2But1Yox2Yox3YoxYuuMuu1 1 1 1 1234561 1 1 : 1 1234567891011121314151617181920212223241 1 1 Somali Bible 2008 Gal 1 Keydso Qoraalada 1Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah rasuul aan xagga dadka ka iman, oo aan dadna ku iman, laakiinse ku yimid Ciise Masiix iyo Ilaaha Aabbaha ah oo isaga ka sara kiciyey kuwii dhintay.2Aniga iyo walaalaha ila jooga oo dhammi waxaannu tan u qoraynaa kiniisadaha Galatiya.3Nimco ha idinla jirto iyo nabad ka timaada Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix,4kan naftiisii u bixiyey dembiyadeenna aawadood, si uu inooga bixiyo dunidatan la joogo oo sharka leh sida ay tahay doonista kan Ilaah iyo Aabbe inoo ah.5Isagaa ammaanta leh weligiis iyo weligiis. Aamiin.6Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale,7oo aan ahayn mid kale, laakiin waxaa jira kuwo idin dhibaya, oo doonaya inay injiilka Masiixa qalloociyaan.8Laakiinse annaga ha noqoto ama malaa'ig samada ka timid ha noqotee, kii idinku wacdiya injiil aan ahayn kaannu idinku wacdinnay, ha inkaarnaado.9Sidii aannu markii hore nidhi, waxaan haatanna leeyahay, Haddii nin idinku wacdiyo injiil kale oo aan ahayn kii aad aqbasheen, ha inkaarnaado.10Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.11Walaalayaalow, waxaan idin ogaysiinayaa in injiilka aan idinku wacdiyey uusan ka iman xagga dadka.12Waayo, kama aan helin xagga dadka, laymana barin, laakiin waxaa ii muujiyey Ciise Masiix.13Waad maqasheen dabiicaddaydii hore xagga diintii Yuhuudda, sidii aan kiniisaddii Ilaah aad iyo aad ugu silcin jiray oo u kharribi jiray.14Oo kuwa badan oo asaaggay ah oo aan isku waddan nahay ayaan kaga hor maray diinta Yuhuudda, anigoo aad iyo aad ugu adag xeerarkii awowayaashay.15Laakiin Ilaaha uurkii hooyaday iga doortay, oo nimcadiisa iigu yeedhay, markuu ku farxay16inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan.17Yeruusaalemna uma aan aadin kuwii hortay rasuullada ahaa, laakiinse waxaan aaday dalka Carabta, dabadeedna waxaan ku soo noqday Dimishaq.18Kolkaasaan saddex sannadood dabadeed Yeruusaalem aaday inaan Keeyfas soo barto, oo shan iyo toban maalmood ayaan la joogay isagii.19Laakiin rasuulladii kale midna kama arag, Yacquub oo ah Sayidka walaalkiis mooyaane.20Waxan aan idiin soo qorayo, Ilaah hortiis, been ka sheegi maayo.21Markaas dabadeed waxaan imid xagga dalalka Suuriya iyo Kilikiya,22oo weliba laygama weji garanayn kiniisadaha Masiixa oo Yahuudiya ku yiil.23Laakiin waxay maqleen oo keliya in la yidhi, Kii mar ina silcin jiray, hadda wuxuu wax ku wacdiyayaa iimaankii uu mar kharribi jiray.Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.24Oo Ilaah bay u ammaaneen daraadday.Somali Bible 2008 Somali Bible © 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya Somali Bible 2008 Gal 1 00:00:00 00:00:00 0.5x 2.0x https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/galatians/001.mp3 6 1