× Luuqad Yurub Ruush Beleruusiyaan Yukreeniyaan Polish Serbian Bulgaria Slovakia Czech Romania Moldoviyaan Asebajaan Ermeni Joorjiyaanka Albaaniyaan Avar Bashkir Tataar Jejniya Isloofiniyaan Croatian Istooniyaan Laatfiyaan Lithuanian Hangariyaan Finnishka Noorwiijiga Iswiidishka Ayslandays Giriig Macedonia Jarmal Bavarian Holland Deenish Welish Gaelic Irish Faransiis Basquu Catalan Talyaani Galacian Romani Bosnian Waqooyiga Ameerika Ingiriisi Koonfurta Ameerika Isbaanish Boortaqiis Guarani Quechuan Aymara Bartamaha Ameerika Jamaica Nahuatl Kiche Q'eqchi Haiti Bariga Aasiya Shiinaha Jabbaan Kuuriyaan Mongoliyaan Uyghur Hmong Koonfur Bari Aasiya Malaysian Burma Hakha Chin Nebali Sugbaano Tagalog Kamboodiya Taay Indonesia Fiitnaamiis Javanese Lao Iban IuMien Kachin Lahu Aceh Balinese Bugis Pampanga Sasak Shan Waray Koonfurta Aasiya Hindi Оdia Awadhi Mizo Kannadays Malayalam Maarati Gujaraati Taamilka Teluugu Bunjaabi Kurukh Asaamiis Maithili Bengali Urdu Sinhala Dogri Haryanvi Meitei Konkani Santali Sindhi Koya Thado Sanskrit Devanagari Adilabad Gondi Ahirani Balochi Bundeli Chhattisgarhi Garhwali Kangri Kumaoni Mewari Munda Sadri Seraiki Shekhawati Sylheti Bartamaha Aasiya Kyrgyz Uzbekiga Tajik Turkmen Kazakhstan Karakalpak Bariga Dhexe Turki Cibraaniga Carabi Iiraani Kurdishka Baasto Coptic Afrika Afrikaanays Xhosa Sulu Ndebele Sotho Amhar Wolaytta Nigeria Mossi Ika Dinkaha Aljeria Sabeenood Sawaaxili Marooko Soomaaliya Shona Madagascar Igbo Lingala Baoule Siswati Tsonga Tswana Gambia Yoruba Kamba Kinyarwanda Hausa Chewa Luo Makua Dyula Fulfulde Kalenjin Kikuyu Kikwango Kirundi Krio Nigerian Pidgin Oromo Tshiluba Tshivenda Twi Umbundu Lugbara Luguru Pular Gussi Maasai Turkana Moba Nuer Shilluk Tamasheq Makonde Bemba Fon Hadiyya Ibibio Kimbundu Kimiiru Lango Liberian Kreyol Lomwe Mende Morisyen Ndau Nyankole Sena Sidamo Soga Songe Sukuma Tarifit Teso Tiv Zande Dagbani Qaaradda Australia Cusub Sjælland Papua New Guinea Afafka Hore Aramaatiga Laatiin Isberento 1 1 1 Soomaaliya Soomaaliya1 1 1 1Tim BilBaxLaawLambShKuYasGarRuu1Sam2Sam1Bo2Bo1Ta2TaCesNexEstAyuSabMaaWacGaSuIshYerBarEzeDaaHooYoCaaCobYooMiiNaxXabSefXagSekMal--- --- ---MatMarkLukYooFaRaRoo1Kor2KorGalEfeFilKol1Tes2Tes1Tim2TimTiiFilCibYac1But2But1Yox2Yox3YoxYuuMuu1 1 1 1 1234561 1 1 : 1 12345678910111213141516171819201 1 1 Somali Bible 2008 1Tim 1 Keydso Qoraalada 1Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah amarka Ilaaha Badbaadiyeheenna ah iyo Ciise Masiix oo rajadeenna ah,2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo xagga iimaanka ku ah wiilkayga runta ah. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.3Sidaan kugu waaniyey markaan Makedoniya tegayay ayaan haatanna kugu waaninayaa inaad Efesos sii joogtid oo aad kuwo ku amartid inayan cilmi kale dadka barin,4ama ayan dhegaysanin sheekooyin iyo abtirsiinyada aan dhammaadka lahayn oo keena su'aalo intay hor marin lahaayeen talada Ilaah oo rumaysadka ku jirta.5Laakiin amarka dhammaadkiisu waa jacayl ka soo baxa qalbi daahir ah iyo niyo wanaagsan iyo rumaysad aan labaweji lahayn.6Waxyaalahan qaar baa seegay, oo waxay ku leexdeen hadal aan micne lahayn,7oo waxay doonayaan inay noqdaan macallimiinta sharciga in kastoo ayan garanayn waxay yidhaahdaan ama waxay ku xaqiiqeeyaan.8Waxaynu og nahay in sharcigu wanaagsan yahay haddii loo isticmaalo si sharciga ku qumman.9Sidaynu u og nahay, sharciga looma samayn nin xaq ah, laakiin waxaa loo sameeyey sharcilaawayaasha, iyo caasiyiinta, iyo cibaadalaawayaasha, iyo dembilayaasha, iyo kuwa aan quduuska ahayn, iyo kuwa nijaasta ah, iyo kuwa aabbahood dila, iyo kuwa hooyadood dila, iyo gacankudhiiglayaasha,10iyo kuwa sinaysta, iyo khaniisiinta, iyo kuwa dadka xada, iyo beenlowyada, iyo kuwa beenta ku dhaarta, iyo hadday jiraan wax kaleeto oo ka gees ah cilmiga runta ah,11oo ah sida injiilka ammaanta Ilaaha barakada leh oo laygu ammaaneeyey.12Waxaan ku mahad naqayaa kan xoogga i siiyey oo ah Rabbigeenna Ciise Masiix, waayo, wuxuu igu tiriyey mid aamin ah intuu hawshiisa ii doortay,13in kastoo aan hore u ahaan jiray mid dadka caaya oo silciya, oo dhiba, laakiin waa la ii naxariistay, waayo, aqoonla'aan baan ku sameeyey, anigoo aan rumaysanayn.14Nimcada Rabbigeenna waxay aad iyo aad ula badatay rumaysadka iyo jacaylka ku jira Ciise Masiix.15Hadalkanu waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo, in Ciise Masiix dunida u yimid inuu badbaadiyo dembilayaasha anoo ah kan ugu daran.16Laakiin sababtaas daraaddeed waa la ii naxariistay in, anigoo ah kan ugu daran, Ciise Masiix iga muujiyo dulqaadashadiisa oo dhan, inaan masaal u noqdo kuwa hadda dabadeed isaga rumaysan doona inay nolol weligeed ah helaan.17Boqorka daa'imiska ah, oo aan dhiman karin, oo aan la arki karin, oo ah Ilaaha keligiis ah, maamuus iyo ammaanu ha u ahaadeen weligiis iyo weligiis. Aamiin.18Wiilkaygii Timoteyosow, waxaan kugu ammaanaynayaa amarkan oo ah sidii waxyaalihii hore laguugu sheegay, inaad iyaga dagaal wanaagsan ku dagaallantid,19adigoo haysta iimaan iyo qalbi wanaagsan. Waxyaalahaas dadka qaarkood way iska tuureen, oo waxay iimaankooda ka dhigeen sida doonni burburtay.Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.20Waxaana ka mid ah Humenayos iyo Aleksanderos, oo aan Shayddaan u dhiibay si ay u bartaan inayan wax caayin.Somali Bible 2008 Somali Bible © 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya Somali Bible 2008 1Tim 1 00:00:00 00:00:00 0.5x 2.0x https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/1timothy/001.mp3 6 1