× Luuqad Yurub Ruush Beleruusiyaan Yukreeniyaan Polish Serbian Bulgaria Slovakia Czech Romania Moldoviyaan Asebajaan Ermeni Joorjiyaanka Albaaniyaan Avar Bashkir Tataar Jejniya Isloofiniyaan Croatian Istooniyaan Laatfiyaan Lithuanian Hangariyaan Finnishka Noorwiijiga Iswiidishka Ayslandays Giriig Macedonia Jarmal Bavarian Holland Deenish Welish Gaelic Irish Faransiis Basquu Catalan Talyaani Galacian Romani Bosnian Waqooyiga Ameerika Ingiriisi Koonfurta Ameerika Isbaanish Boortaqiis Guarani Quechuan Aymara Bartamaha Ameerika Jamaica Nahuatl Kiche Q'eqchi Haiti Bariga Aasiya Shiinaha Jabbaan Kuuriyaan Mongoliyaan Uyghur Hmong Koonfur Bari Aasiya Malaysian Burma Hakha Chin Nebali Sugbaano Tagalog Kamboodiya Taay Indonesia Fiitnaamiis Javanese Lao Iban IuMien Kachin Lahu Aceh Balinese Bugis Pampanga Sasak Shan Waray Koonfurta Aasiya Hindi Оdia Awadhi Mizo Kannadays Malayalam Maarati Gujaraati Taamilka Teluugu Bunjaabi Kurukh Asaamiis Maithili Bengali Urdu Sinhala Dogri Haryanvi Meitei Konkani Santali Sindhi Koya Thado Sanskrit Devanagari Adilabad Gondi Ahirani Balochi Bundeli Chhattisgarhi Garhwali Kangri Kumaoni Mewari Munda Sadri Seraiki Shekhawati Sylheti Bartamaha Aasiya Kyrgyz Uzbekiga Tajik Turkmen Kazakhstan Karakalpak Bariga Dhexe Turki Cibraaniga Carabi Iiraani Kurdishka Baasto Coptic Afrika Afrikaanays Xhosa Sulu Ndebele Sotho Amhar Wolaytta Nigeria Mossi Ika Dinkaha Aljeria Sabeenood Sawaaxili Marooko Soomaaliya Shona Madagascar Igbo Lingala Baoule Siswati Tsonga Tswana Gambia Yoruba Kamba Kinyarwanda Hausa Chewa Luo Makua Dyula Fulfulde Kalenjin Kikuyu Kikwango Kirundi Krio Nigerian Pidgin Oromo Tshiluba Tshivenda Twi Umbundu Lugbara Luguru Pular Gussi Maasai Turkana Moba Nuer Shilluk Tamasheq Makonde Bemba Fon Hadiyya Ibibio Kimbundu Kimiiru Lango Liberian Kreyol Lomwe Mende Morisyen Ndau Nyankole Sena Sidamo Soga Songe Sukuma Tarifit Teso Tiv Zande Dagbani Qaaradda Australia Cusub Sjælland Papua New Guinea Afafka Hore Aramaatiga Laatiin Isberento 1 1 1 Soomaaliya Soomaaliya1 1 1 2Tim BilBaxLaawLambShKuYasGarRuu1Sam2Sam1Bo2Bo1Ta2TaCesNexEstAyuSabMaaWacGaSuIshYerBarEzeDaaHooYoCaaCobYooMiiNaxXabSefXagSekMal--- --- ---MatMarkLukYooFaRaRoo1Kor2KorGalEfeFilKol1Tes2Tes1Tim2TimTiiFilCibYac1But2But1Yox2Yox3YoxYuuMuu1 1 1 1 12341 1 1 : 1 1234567891011121314151617181 1 1 Somali Bible 2008 2Tim 1 Keydso Qoraalada 1Anigoo Bawlos ah oo rasuulkii Ciise Masiix ku ah doonista Ilaah, sida uu leeyahay ballanka nolosha Ciise Masiix ku jirta,2waxaan warqaddan u qorayaa Timoteyos oo ah wiilkayga aan jeclahay. Nimco iyo naxariis iyo nabadu ha kaaga yimaadeen Ilaaha Aabbaha ah iyo Rabbigeenna Ciise Masiix.3Waxaan ku mahad naqayaa Ilaaha aan qalbi daahir ah ugu adeego siday awowayaashay ugu adeegi jireen, anigoo habeen iyo maalinba joogsila'aan baryadayda kugu xusuusanaya.4Markaan ilmadaadii xusuusto waxaan aad u doonayaa inaan ku arko, inaan aad u farxo.5Waxaan xusuustay rumaysadka aan labada weji lahayn oo kugu jira, oo markii horena ku jiri jiray ayeeyadaa Lowis iyo hooyadaa Yunikee, adigana waan kugu aaminsanahay inuu kugu jiro.6Taas daraaddeed waxaan ku xusuusinayaa inaad kicisid hadiyadda Ilaah ee kugu jirta oo kuugu timid gacmosaariddaydii.7Waayo, Ilaah inama uu siin ruuxa cabsida, laakiinse wuxuu ina siiyey ruuxa xoogga iyo jacaylka iyo miyirka.8Sidaas daraaddeed ha ka xishoon u markhaatifuridda Rabbigeenna ama aniga oo isaga maxbuus u ah, laakiinse dhibaatada injiilka kaga qayb qaado xoogga Ilaah.9Ilaah waa kan ina badbaadiyey oo yeedhid quduus ah inoogu yeedhay, mana aha xagga shuqulladeenna, laakiinse waa xagga qasdigiisa iyo nimcadiisa, oo uu waayadii hore hortood inagu siiyey Ciise Masiix,10laakiinse haatan lagu muujiyey muuqashada Badbaadiyeheenna Ciise Masiix, kaas oo dhimashada baabbi'iyey, oo nolosha iyo dhimashola'aanta iftiinka ugu soo saaray xagga injiilka,11kaas oo laygu doortay inaan noqdo mid wax wacdiya iyo rasuul iyo macallinba.12Sababtaas aawadeed ayaan waxyaalahan ugu xanuunsanayaa; laakiinse ka xishoon maayo, waayo, waan garanayaa kan aan rumaystay, oo waxaan aaminsanahay inuu awoodo inuu dhawro wixii aan ku ammaanaystay ilaa maalintaas.13Masaalkii erayada runta ahaa ee aad iga maqasheen ku xaji rumaysadka iyo jacaylka Ciise Masiix ku jira.14Ammaanadii wanaagsanayd ee laguu dhiibay ku dhawr Ruuxa Quduuska ah oo inagu dhex jira.15Waad og tahay in kuwii Aasiya joogay oo dhammu ay iga leexdeen, waxaana ka mid ah Fugelos iyo Hermogenees.16Rabbiga ha u naxariisto reerkii Oneesiforos; waayo, marar badan ayuu i nasiyey, kamana xishoon silsiladdayda.17Laakiinse markuu Rooma joogay wuxuu ku dadaalay inuu i daydayo, wuuna i helay.Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.18Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.Somali Bible 2008 Somali Bible © 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya Somali Bible 2008 2Tim 1 00:00:00 00:00:00 0.5x 2.0x https://beblia.bible:81/BibleAudio/somalian/2timothy/001.mp3 4 1